Mashruucyada & Waxqabadka

Halkan kaga bogo guulaha u dambeeyay, qalin-jabinta ardayda, siminaarada, iyo dhacdooyinka waaweyn ee xarunta Halbeeg TVET Center.

Tababar shaqo (Internship)
Dhacdo
25 April 2026

Tababar shaqo (Internship)

Sawiro muujinaya ardayda oo ku guda jira tababarkooda shaqo (Internship), iyaga oo kasbanaya waayo-aragnimo dhab ah iyo xirfado shaqo oo wax ku ool ah.

Sii Akhri
Bandhiga Xirfadaha (TVET Job Fair)
Dhacdo
19 April 2026

Bandhiga Xirfadaha (TVET Job Fair)

Hay’adda Candlelight iyo dugsiga farsamada Halbeeg TVET Center - Burco ee ayaa si wadajir ah u qabtay bandhiga xirfadaha xirfadlayaasha xirfadaha farsamada gacanta bartay (TVET Job Fair event). Bandhigan wuxuu ahaa mid muujiyey kartida, hal-abuurka, iyo xirfadaha ay barteen dhalinyaradu, gaar ahaan qaybaha Nijaarada, Dawaarka, iyo Xinaha iyo Qurxinta.

Sii Akhri
Barashada Xirfada Dawaarka
Tababarada
16 December 2026

Barashada Xirfada Dawaarka

Practical training sessions for students learning tailoring and dressmaking at Halbeeg TVET Center.

Sii Akhri
Barashada Xirfada Qaboojiyayaasha
Tababarada
14 November 2025

Barashada Xirfada Qaboojiyayaasha

Ardayda barata xirfada qaboojiyayaasha (Cooling System) oo loo bilaabay casharadii iyo tababarkii gacan-qabashada ahaa ee xarunta Halbeeg TVET Center.

Sii Akhri
Barashada Xirfada Qurxinta Xinaha
Tababarada
7 November 2025

Barashada Xirfada Qurxinta Xinaha

Casharada gacan qabashada ah ee xirfada qurxinta xinaha (Henna Beautification) oo si firfircoon ay uga qayb qaadanayaan ardayda baranaysa xirfadan ee Dugsiga Halbeeg.

Sii Akhri
Barashada Xirfada Nijaarada
Tababarada
November 2025

Barashada Xirfada Nijaarada

Ardayda dhigata dugsiga farsamada gacanta Halbeeg TVET Center - Burco gaar ahaan waaxda xirfada nijaarada (Carpentry) ayaa kuguda jira xiisadoodii gacan qabashada (practical training) si firfircoona uga qayb qaadanaya casharada.

Sii Akhri
Daah-furka Tababarka iyo Soo Dhaweynta Ardayda cusub (Orientation Day)
Dhacdo
08 October 2025

Daah-furka Tababarka iyo Soo Dhaweynta Ardayda cusub (Orientation Day)

Munaasabad si rasmi ah loogu daah furayay barnaamijka tababarka xirfadaha gacanta oo ay ka faa’iidaysan doonaan 72 arday oo dhalinyaro iyo haween ah. Tababarkan waxaa maalgeliyay Midowga Yurub (EU) waxaana hirgelinaysa hay’adda Candlelight.

Sii Akhri
Xafladda Qalin-jabinta Dufcadda 4aad
Qalin-jabinta
10 July 2025

Xafladda Qalin-jabinta Dufcadda 4aad

Xafladda qalin-jabinta ardayda dugsiga Halbeeg Technical Institute ee dufcaddii 4aad. Hambalyo dhammaan ardayda qalin-jabisay, waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya.

Sii Akhri
Xafladda Qalin-jabinta iyo Qalabsiinta Xirfadda Makaanikada
Qalin-jabinta
24 September 2024

Xafladda Qalin-jabinta iyo Qalabsiinta Xirfadda Makaanikada

Xaflad isigu jirtay qalin-jabin iyo qalabsiin 15 arday oo baratay xirfada makaanikada iyo dabka baabuurta. Barnaamijkan waxa iska kaashaday dugsiga Halbeeg iyo hay'adda Candlelight, waxaana goob joog ahaa wasaaradaha waxbarashada iyo shaqo-gelinta ee gobolka Togdheer.

Sii Akhri
Shaqada Garoonka ee Laydhka iyo Biyaha
Dhacdo
29 July 2024

Shaqada Garoonka ee Laydhka iyo Biyaha

Practical field work for electricity and plumbing installation system in building constructions at Halbeeg TVET Center.

Sii Akhri
Xaflada qalinjebinta dufcadii 3aad
Qalin-jabinta
25 July 2024

Xaflada qalinjebinta dufcadii 3aad

Xaflada qalinjebinta dufcadii 3aad ee dugsiga farsamada gacanta Halbeeg - Burco oo bartay xirfadaha laydhka, Biyaha, makaanigska, Solarta, electronicska iyo Dawaarka. Hambalyo dhammaantiin, alle haydinku anfaco aqoontaas aad barateen.

Sii Akhri
Barashada Makaaniska iyo dabka baabuurta
Tababarada
22 January 2024

Barashada Makaaniska iyo dabka baabuurta

Practical training sessions for students learning automotive mechanics and vehicle electrical systems at Halbeeg TVET Center.

Sii Akhri
Barashada Dab Gelinta
Tababarada
22 January 2024

Barashada Dab Gelinta

Practical training sessions for students learning house wiring and electrical installation at Halbeeg TVET Center.

Sii Akhri
Barashada Biyo Gelinta
Tababarada
22 January 2024

Barashada Biyo Gelinta

Practical training sessions for students learning plumbing, pipe fitting, and water system installation at Halbeeg TVET Center.

Sii Akhri
Tababarka Xirfadaha Gacanta ee Casriga ah
Sheekooyinka Guusha
April 2024

Tababarka Xirfadaha Gacanta ee Casriga ah

Tababar socday muddo asbuuc ah oo lagu baranayay xirfadaha casriga ah ee korontada iyo qaboojiyayaasha.

Sii Akhri
Xafladda Qalin Jebinta Xirfada Dawaarka
Qalin-jabinta
9 January 2024

Xafladda Qalin Jebinta Xirfada Dawaarka

Dugsiga farsamada gacant Halbeeg-Burco ayaa xaflad u qabtay 15 arday oo bartay xirfada Dawaarka. Ardayda ayaa halkaa lagu gudoonsiiyay shahaadooyin iyo qalab dawaaro ah oo ay ku shaqaystaan. Barnaamikan waxa maalgeliyay Haayada KNH waxaana fulintiisa iska kaashaday haayada Candlelight iyo dugsiga Halbeeg.

Sii Akhri
Bandhiga Mashaariicda Ardayda
projects.category.exhibition
November 2023

Bandhiga Mashaariicda Ardayda

Bandhig sanadeed ay ardaydu ku soo bandhigeen waxyaabihii ay barteen intii ay ku gudo jireen tababarka.

Sii Akhri
Barashada Xirfada Electronics-ka
Tababarada
16 December 2023

Barashada Xirfada Electronics-ka

Practical training sessions for students learning mobile repairing and electronics at Halbeeg TVET Center.

Sii Akhri
Qaybinta Qalabka Makaanikada
Dhacdo
4 September 2023

Qaybinta Qalabka Makaanikada

High quality toolkits in Automotive technology has distributed for the students of Halbeeg Technical Institute -Burao. Thanks Concern Worldwide and EU Teams.

Sii Akhri
Xafladda Qalin Jebinta Mashruuca 6-da Bilood
Qalin-jabinta
5 July 2023

Xafladda Qalin Jebinta Mashruuca 6-da Bilood

Xaflada qalinjebinta ardayda dugsiga farsamada gacanta Halbeeg - Burco (Hotel Maansor). Barnaamijkan waxa maalgeliyay midawga yurub (European Union) waxaana fuliyay Ha'ayada Concern Worldwide, wasaarada waxabarashada, wasaarada shaqo gelinta iyo arimaha qoyska iyo Dugsiga Halbeeg. Hambalyo dhammaantiin, Alle haydinku anfaco aqoontaa aad barateen oo haka yeelo mid aad naftiina, qoyskiina, bulshadiina iyo wadabkiinaba aad uga faaiidaysaan.

Sii Akhri
Xafladda Qalinjebinta Dufcadii 2aad
Qalin-jabinta
26 August 2022

Xafladda Qalinjebinta Dufcadii 2aad

Xaflada qalinjebinta dufcadii 2aad ee dugsiga farsamada gacanta Halbeeg - Burco oo ka koobnayd 130 arday oo bartay xirfadaha laydhka, biyaha, makaanikska iyo dawaarka. Hambalyo dhammaantiin, alle haydinku anfaco aqoontaas aad barateen.

Sii Akhri
Xafladda Qalin Jebinta Dufcadii 1aad
Qalin-jabinta
December 2022

Xafladda Qalin Jebinta Dufcadii 1aad

Hambalyo ardayda ka qalin jebisay dugsiga farsamada gacanta Halbeeg - Burco. Alle haydinku anfaco cilmigaad barateen.

Sii Akhri
Tababarka Goobaha Dhismaha (Burco)
Dhacdo
2021 - 2022

Tababarka Goobaha Dhismaha (Burco)

Sawiradani waxay muujinayaan qaar ka mid ah waxqabadyada ay fulisay xarunta Halbeeg TVET Center intii ay shaqaynaysay intii u dhaxaysay 2021 ilaa 2022. Sawirada muujinaya ardayda ku sugan goobaha dhismaha ayaa laga qaaday booqashooyinka tababarka shaqada ee mashaariicda dhismaha ee ka socda Burco, halkaas oo ay ardaydu si firfircoon uga qaybqaateen tababarka gacan-qabashada ah ee ku saabsan rakibidda laydhka iyo biyaha. Kulamadan tababarka shaqada ah, waxay ku heleen khibrad gacan-qabasho ah oo ku saabsan goobaha dhismaha ee dhabta ah, iyaga oo aqoontoodii fasalka u adeegsaday hawlaha farsamo ee nolosha dhabta ah.

Sii Akhri
Tababarka Dab-gelinta ee Shirkadda HECO
Dhacdo
2022

Tababarka Dab-gelinta ee Shirkadda HECO

Sawiradani waxay muujinayaan ardayda barata xirfada Dab-gelinta (Electrical Installation) intii ay ku guda jireen tababarka shaqo (Internship) ee shirkadda korontada ee HECO sannadkii 2022. Ardaydu waxay hal bil ku qaateen inay ka shaqeeyaan shirkadda, iyagoo kasbaday khibrad shaqo oo wax ku ool ah oo ku saabsan hawlaha adeegga korontada ee dhabta ah. Intii uu tababarku socday, waxay heleen aqoon iyo xirfado qiimo leh oo ku saabsan rakibidda korontada, dayactirka nidaamyada korontada, farsamooyinka dab-gelinta, habraacyada badbaadada, iyo sida korontada loo qaybiyo loona maareeyo gudaha shabakadda adeegga shirkadda. Khibradan shaqo ee goobta waxay si weyn u horumarisay kartidooda farsamo iyo u diyaargarowgooda suuqa shaqada.

Sii Akhri
Booqashadii Barashada ee Berbera (Study Visit)
Dhacdo
2022

Booqashadii Barashada ee Berbera (Study Visit)

Ardayda dugsiga farsamada gacanta Halbeeg TVET Center ayaa booqasho waxbarasho ah u tagay magaalada Berbera, halkaas oo ay ku daawadeen goobaha dekadda iyo mashaariicda warshad-dhismeedka ee firfircoon. Iyagoo xidhan qalabka badbaadada, ardaydu waxay si toos ah u arkeen hawlaha kaabayaasha waaweyn, taas oo ku xoojisay xirfadahoodii fasalka lagu baray khibrad dhabta ah oo warshaduhu leeyihiin.

Sii Akhri
Tababarka Gacan-qabashada ee Nidaamka Waraabka Faleebada
Dhacdo
2022

Tababarka Gacan-qabashada ee Nidaamka Waraabka Faleebada

Sawirada muujinaya ardayda joogta biyo-xidheenka iyo beerta ayaa la qaaday intii lagu gudo jiray tababarka gacan-qabashada ah ee nidaamka waraabka faleebada ee la qabtay 2022. Intii lagu guda jiray hawlahan, ardayda barata xirfadda dhuumaha biyaha ayaa la baray sida biyaha loo gaadhsiiyo beeraha iyadoo la marayo dhuumaha waraabka iyo sida dhuumaha si habboon loogu xidho loona rakibo. Tababarkan ayaa sidoo kale isugu jiray waayo-aragnimo gacan-qabasho ah oo ku saabsan sida biyaha looga soo saaro biyo-xidheenka iyadoo la isticmaalayo matoorro/mishiinno si hufanna loogu qaybiyo dhulka beeralayda ah iyada oo loo marayo nidaam waraab oo habaysan.

Sii Akhri
Aqoonsi Qaran: Samsam Cabdillaahi Cali
Sheekooyinka Guusha
2022

Aqoonsi Qaran: Samsam Cabdillaahi Cali

Sannadkii 2022, ardaydii dugsiga farsamada gacanta Halbeeg TVET Center ee Ms. Samsam Cabdillaahi Cali, oo ku takhasustay cilmiga Makaanikada Baabuurta (Automotive Mechanics), ayaa aqoonsi heer qaran ah lagu guddoonsiiyay shir-weyne qaran oo ka dhacay Hargeysa, taas oo loo aqoonsaday guushii muuqatay ee ay ka gaartay waxbarashada farsamada gacanta. Waxay shahaado sharaf iyo abaal-marin ka heshay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Sii Akhri
Chat with us